Thursday, January 18th, 2018
.

WAR DEG DEG AH:Magaalada Dhuuso-Mareeb Oo laga taagay Calanka Maamulka Galmudug.

Xafiisyada Maamulka Ahlu-suna ee Dhuuso-Mareeb ayaa la soo sheegayaa in laga taagay Calanka Maamulka Galmudug.

Qaar ka mid ah Bulshada ku nool degmada Dhuusa Mareeb ayaa wax ay sheegeen in mar qura ay arkeen Calanka Maamulka Galmudug oo suran Xafiisyada uu Maamulku ku Shaqeeyo ee degmada Dhuusa Mareeb.

Arrintaan ayaa timid kadib heshiiskii ay 6-dii Bishaan December Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxda Galmudug iyo Ahlusuna kaas oo inta badan awood dheeraad ah siinayay Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan.

Magaalada Dhuuso-Mareeb ayaa sanadihii la soo dhaafay aan ka mid aheyn ismaamul goboleedyada dalka..

Dadka ku nool degmada dhuusa Mareeb ayaa Caawa hadalhaya isbedelka ka jira degmada Dhuusa Mareeb ee h in mar qura Calanka Galmudug laga taagay Xarumaha Maamulka Ahlusuna uu ku Shaqeeyo ee degmadaas.

Maalmaha nasoo aadan ayaa sida uu qorshuhu yahay la filayaa in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Shaakir ay tagaan degmada Dhuusa Mareeb si labada Maamul si buuxda loogu mideeyo.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

Turkey iyo Sudan Oo kala saxiixday 12 heshiis Oo Horumarin, Millatery, Dalxiis iyo Matxafyo Furasho ah..

December 30, 2017
Bishaan ayey Turkey iyo Sudan kala saxiixdeen 12 heshiis oo uu ka mid ahaa in Jazeerada SAWAAKIN ee ...

DAAWO HEESTA SANADKA 2018: Hobyo iyo Cadaadey ka timid waana la Hubaaye HEES CUSUB

December 30, 2017
Waxaa hees cusub soo saaray fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale Aadan, heestani ayaa si aad ah looga xiiseynayaa ...

DEG DEG:Taliyaha Ciidanka XDS Oo 40 askari U taxaabay Xabsiga Dhexe

December 30, 2017
Iyadoo ay weli Muqdisho laga hadal hayo weerarka lagu qaaday guriga senator-ka Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa soo ifbaxaya ...