Thursday, January 18th, 2018
.

M/weynihii hore ee Ximan & Xeeb oo 4 sano kadib laga sii daayey xabsi ku yaalla Belgium.

“Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey ayaa dib u helay xorriyadiisa kadib muddo ka badan afar Sano oo uu ku xirnaa dalka Belgium.

Tiicey oo tegay dalkii uu deganaa ee Mareykanka ayaa sheegay in lagu waayay wax dembi ah, isla markaana maxkamadda sare ee dalkaasi ay fasaxday, markii ay sax noqon weyday dacwadii loo heystay.

Maxamed Aadan Tiicey ayaa sheegay inay dhinacooda dacwad ku oogeen maxkamadaha xoriyadda ka qaaday si loo siiyo magdhow mudo 4 sano ah oo ay sharci darro ku xirnaayeen.

Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey ayaa dalka Belgium waxaa loo geeyay iyadoo loo sheegayo inuu kaalin ka qaadan doono Filim laga sameynayo Burcadbadeedda Soomaalida, waxaana markaas loo xiray isaga iyo nin kale inay ku lug lahaayeen Burcad badeednimo.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

Turkey iyo Sudan Oo kala saxiixday 12 heshiis Oo Horumarin, Millatery, Dalxiis iyo Matxafyo Furasho ah..

December 30, 2017
Bishaan ayey Turkey iyo Sudan kala saxiixdeen 12 heshiis oo uu ka mid ahaa in Jazeerada SAWAAKIN ee ...

DAAWO HEESTA SANADKA 2018: Hobyo iyo Cadaadey ka timid waana la Hubaaye HEES CUSUB

December 30, 2017
Waxaa hees cusub soo saaray fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale Aadan, heestani ayaa si aad ah looga xiiseynayaa ...

DEG DEG:Taliyaha Ciidanka XDS Oo 40 askari U taxaabay Xabsiga Dhexe

December 30, 2017
Iyadoo ay weli Muqdisho laga hadal hayo weerarka lagu qaaday guriga senator-ka Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa soo ifbaxaya ...