Thursday, January 18th, 2018
.

DHAGEYSO:Dowladda Oo Iclaamisay Wejiga Labaad Ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, Xilli ay dhaafi la’dahay Tuulooyinka Shabeellooyinka

Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka soconaya howlgallo wejigii labaad ah kuwaasi oo dowladdu sheegtay in ay kula dagalami doonto Al-Shabaab, howlagalka ayaa dhowaan wejigiisa labaadi waxa uu ka bilaabanayaa tuullooyinka hoostaga Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha degmadaas Cabdullaahi Maxamed Geeldoox oo la hadlay saxaafiyiinta ayaa waxa uu sheegay in ay dhowaan ay bilaabi doonaan howlgal looga saarayo deeganada hoos yimaada degmda Mahadaay dagaalamayaasha Al-Shabaab oo uu sheegay in qeybo ka mid ah degmadaas ay ku sugan yihiin.

Howlgalkan oo wejigiisa labaad bilaaban doono ayaan weli lagu xoreynin meelo badan oo ka mid ah gobollada dalka. Waxaa dowladdu dhaafi weysay gobollada Shabeellooyinka in ay Tuulooyin marna qabsato marna laga qabsado, ha yeeshee waxaaba ciidammadii amniga ay sidoo kale isku garaacayaan madaafiic dhexdooda meelo ka mid ah caasimadda dalka, tani oo soo jiidatay indhaha deeq bixiyeyaasha isla markaana Mareykanku haatan go’aan ku gaaray in uu saadka ka joojiyo ciidamada aan mideysneyn ee dowladda.

Mareykanku waxa uu sheegay in Farmaajo uu istaahilo in shaqsi ahaan la taageero balse dowladiisu aysan gaarin dadaalkii ay u balanqaaday shacabka tani oo weli gaabis ah.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

Turkey iyo Sudan Oo kala saxiixday 12 heshiis Oo Horumarin, Millatery, Dalxiis iyo Matxafyo Furasho ah..

December 30, 2017
Bishaan ayey Turkey iyo Sudan kala saxiixdeen 12 heshiis oo uu ka mid ahaa in Jazeerada SAWAAKIN ee ...

DAAWO HEESTA SANADKA 2018: Hobyo iyo Cadaadey ka timid waana la Hubaaye HEES CUSUB

December 30, 2017
Waxaa hees cusub soo saaray fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale Aadan, heestani ayaa si aad ah looga xiiseynayaa ...

DEG DEG:Taliyaha Ciidanka XDS Oo 40 askari U taxaabay Xabsiga Dhexe

December 30, 2017
Iyadoo ay weli Muqdisho laga hadal hayo weerarka lagu qaaday guriga senator-ka Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa soo ifbaxaya ...