Thursday, January 18th, 2018
.

Ciyaartii dhexmari laheyd xulalka Kubadda Cagta ee Jubbaland iyo Galmudug oo la baajiyay

Wararka ka imaanaya Bahda Ciyaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in la baajiyay ciyaartii galabta dhex mari laheyd xulalka kubadda cagta Jubbaland iyo Galmudug oo ka tirsan Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada ee ka socda magaalada Muqdisho.

Kulan Golaha Wasiirada Soomaaliya goor dhow yeesheen ayaa lagu go’aamiyay in la baajiyo ciyaarta galabta lama sheegin sababta keentay baaqashada Ciyaartaan.

Kooxaha Ciyaartoyda Jubbaland iyo Galmudug ayaa lagu wargeliyay inay baaqatay ciyaarta galabta, oo aheyd ciyaartii u dambeysay ee Group-ka A.

Lama sheegin xilliga la ciyaari doono ciyaarta galabta baaqatay, hase ahaatee waxay u badan tahay in maalinta nasashada ciyaaraha loogu tala galay in la ciyaari doono, halka maalinta berri oo jimco ah ay ku qorsheysan tahay ciyaarta dhex mari doonta Puntland iyo Koofur Galbeed.

Mas’uuliyiin kala duwan oo aan la xariirnay ayaa sheegay inaysan heyn faah faahin dhab ah oo ku saabsan sababtii loo baajiyay Ciyaartaan, warar aan la xaqiijin ayaa sheegayo in sababo dhinaca amniga ah loo baajiyay Ciyaartan.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

Turkey iyo Sudan Oo kala saxiixday 12 heshiis Oo Horumarin, Millatery, Dalxiis iyo Matxafyo Furasho ah..

December 30, 2017
Bishaan ayey Turkey iyo Sudan kala saxiixdeen 12 heshiis oo uu ka mid ahaa in Jazeerada SAWAAKIN ee ...

DAAWO HEESTA SANADKA 2018: Hobyo iyo Cadaadey ka timid waana la Hubaaye HEES CUSUB

December 30, 2017
Waxaa hees cusub soo saaray fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale Aadan, heestani ayaa si aad ah looga xiiseynayaa ...

DEG DEG:Taliyaha Ciidanka XDS Oo 40 askari U taxaabay Xabsiga Dhexe

December 30, 2017
Iyadoo ay weli Muqdisho laga hadal hayo weerarka lagu qaaday guriga senator-ka Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa soo ifbaxaya ...