Wednesday, November 22nd, 2017
.

WAR DEG DEG AH:17 Nin Ganacsato Soomaaliyeed ah oo Lagu Dilay Itoobiya,

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in dilal naxdin leh loo geystay dad Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalkaasi Itoobiya ku sugan.

17 nin oo ganasatadii jaadka keeni jiray iyo kuwa xoolaha nool (ariga) Itoobiya ka soo iibsada ayaa lagu dilay magaalada Hawadaay ee jaadka laga keeno.

Qoomiyada Oromada ayaa dadkaasi ugu gashey goob makhaasinno (Stores) ah ee lagu kaydiyo jaadka oo ay ku dileen dadkaasi. Waxaa saxaafadda loo sheegay in dadkaasi rasaas iyo Majooyin loo adeegsaday dilkooda.

Waxaa dadkaasi loo dilay aargoosi ku saleysan taageerada Soomaalida Itoobiya degan ay ku taageeraan in dawlada Federaalka Itoobiya in lala dagaalamo dadkaasi maaddaama Qoomiyada Oromadu kacdoono ka wadaan dalkaasi.

Ganacsatada Jaadka oo qaarkood ka baxsaday magaalada Hawadaay ayaa ku jira xeryo ciidamada Milateriga Itoobiya ku leeyihiin magaalada Herer, qaarkoodna waxaa ay soo galeen magaalada Wajaale ee Xuduudka.

Hargeysa maanta Jaad kama soo degin wax jaad ah sidoo kale dadkii Oromada ahaa ayaan joogin suuqyada oo ay markii hore ka dawarsan jireen.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...