Wednesday, November 22nd, 2017
.

Diyaaradaha Mareykanka Oo cirka ka Duqeeyay Degaanka Kuunya-Barrow

Duqeyn Diyaaradeed oo xooggan ayaa lagu dhuftay saldhigyo milleteri oo ay leeyihiin kooxaha Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Wararku waxa ay sheegayaan in duqeynta lala Beegsaday Saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaankaas gaar ahaan degaanka lagu magacaabo Kuunya-Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Duqeynta ayaa la sheegay in ay Fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo Taageero ka helaya Ciidamada Mareykanka sida ay noo Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Degaanka Kuunya-barrow oo ka tirsan degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ay maamulaan Al-Shabaab ayaa waxaa dhowr Jeer lagu beegsaday Saraakiil Sare Sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Mareykanka cutubyadiisa ciidan ee ka howlgala qaaradda Afrika ayaa dowladda federaalka u balanqaaday in la kordhinayo weerarada xagga cirka ee lala beegsanayo kooxaha Al-shabaab. Weerarkan ayaa waxaa la sheegayaa in uu geystay dhimasho iyo dhaawac. Balse weli war buuxa oo ku saabsan cida la waxyeeleeyay lama shaacin.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...