Wednesday, November 22nd, 2017
.

DHAGEYSO:Shaqaale Gargaar oo lagu afduubtay Baydhabo

Shaqaalo u Shaqeynayay Hay’ad Gargaar ayaa lagu soo waramayaa in la afduubtay xili ay marayeen meel 14km u jirta Magaalada Baydhabo sida uu xaqiijiyay afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed.

Shaqaalahaan ayaa tira ahaan gaaraya ilaa 3 Ruux oo kala ah laba Gabdhood iyo Darawalkii Gaariga u waday, waxana la sheegay in ay ahayeen Shaqaalaha Hay’ad lagu Magacaabo Kareedo.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma oo Wareysi siiyay warbaahinta ayaa afduubkas ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab, isla mrkaana Shaqaalahaas ay yihiin Soomaali.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka soo horjeedaan in la kaalmeeyo dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed maadama ay dhowr mar sidaan oo kale ay u afduubteen Shaqaalo Gargaar sida uu hadalka u dhigay.

 

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...