Wednesday, November 22nd, 2017
.

DEG DEG:Dhallinyaro Dalka Burundi Oo Doonayey in ay ku biiraan Al-Shabaab Oo La Qabtay

Wararka haatan ina soo gaaraya ayaa sheegaya in la qabtay muwaadiniin u dhashay dalka Burundi iyagoo damacsanaa in ay ku biiraan Al-Shabaabka ka dagaalanta Soomaaliya. Dadkaani ayaa dhammaantood ahaa rag waxaana magacyadooda lagu kala sheegay:

1-Ntakarutimana Benerd,
2-Niyongere Yusuf,
3-Nshimirimana Fulgnce
4-Shadady iyo
5-Bizoza Abderauf

Wararku waxa ay sheegayaan in saraakiisha amaanka dalka Kenya ay qabteen Afar muwaadin oo u dhashay dalka Burundi kuwaas oo damacsanaa in ay ka gudbaan Xuduuda Soomaaliya si ay uga soo bar bar dagaalamaan Al-Shabaab oo ay Kenya sheegtay in ay qatar ku tahay amaanka gobalka.

Xubno ka tirsan Ciidamada Police-ka dalka Kenya ayaa sheegay in raggan ay ka soo safreen caasimadda Bujumbura iyagoo u soo gaaray magaalada Nairobi dalxiis ahaan kadibna waxa ay safar u soo galeen magaalada Mandera iyagoo soo maray Dagmada Isiolo si ay ugu soo talaabaan Soomaaliya.

Laamaha amaanka dowlada Kenya oo joojiyay bas-kii ay saarnaayeen xilli ay marayeen bar kootarool ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Raggan u dhashay dalka Burundi oo sheegay in ay ku wajahayihiin Soomaaliya si Al shabaab ay ugu mid noqdaan.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...