Thursday, September 21st, 2017
.

DAAWO:Shaqaalaha iyo Ganacsatada Dekadda Berbera Oo Qabtay Shir ay ku Diidan yihiin in ay Koofiyado xirtaan Dekedda Gudaheeda..

Wararka ka imaanaya dekadda Berbera ayaa sheegaya in shirkadda Dubai Ports ay ku qasbeyso in dadka dekadda soo galaya in ay xirtaan qalab ay ka mid tahay koofiyadda khatarta ka hortagta.

Ganacsatada iyo shaqaalaha ayaa kulan qabsaday iyagoo ka gadoodsan direyska la amray in ay xirtaan, shaqaalaha ayaa shirar u qabanaya arrimahan darteed.

Waa Maxay Koofiyadaha laga cabanayo?

Sida caadada u ah howlwadeennada caalamiga ah ayaa waxaa wershadaha iyo goobaha howluhu ka socdaan loogu talo galay in aad koofiyad adag xirato, koofiyadda ayaa qofka ka agdhow goob howl culusi ka socoto loogu talo galay in ay ka difaacdo lacalla haddii dusha sare alaabi ka soo dhacdo.

Shirkaduhu waxa ay ka hortagaan in magdhow laga qaado haddiiba qof iska soo galay dekad ama wershad uu halkaasi ku dhaawacmo. Soomaalidu aad uma dhowraan protokoolada caalamiga ah waxaana aad ugu yar aqoonta xagga wershadaha iyo taxadarka jirka qofka bani’aadamka ah.

Dadkani shirka isugu yimid ayaa iyagu doonaya in ay marwalba dhex taagnaadaan dekadda gudaheeda iyagoo aan heysan qalabka madaxa la gashado iyo direys lagu aqoonsanayo in qofku shibil yahay iyo in uu shuqul u yimid dekadda.

Shaqaalaha ayaa sidoo kale ka cabanaya shuruuc kala gedisan iyo lacago lagu soo oogay gawaaridooda.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA SHAQAALAHA IYO GANACSATADA DEKADDA BERBERA OO KA CABANAYA KOOFIYAD LA YIRI HAKA GASHADAAN QATARTA DEKADDA IYO WIISHASHKA:

 

Shabakada Wardaye Online Nagala soo xiriir: Xafiiska Muqdisho, Email: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

DHAGEYSO:Madaxda Gobolka Banaadir Oo ka hadashay Qaraxyada ka dhaca gobolka Banaadir

September 20, 2017
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la ...

Maxkamad ku taalla Wadanka Holland oo Xukuntay Weriyaha Ruug-Cadaaga Daahir Calasow (AKHRI YAABKA)

September 20, 2017
Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ...

DHAGEYSO:Al-Shabaab Oo Kordhiyey Dilalka qorsheysan Iyo Mas’uuliyiin ay Saaka ku dileen Boondheere.

September 20, 2017
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof ...