Thursday, September 21st, 2017
.

DAAWO:Sanadguuradii 16-aad Ee Qaraxyadii Twin Towers

Waxay isku qeybiyeen 4 koox, kuwaasi oo afduubtay 4 Diyaarad oo 2 ka mid ah lala beegsaday Tawarka Waqooyi iyo kan Koonfureed ee Daarihii Mataanaha ee Xaruntii Ganacsiga Caalamiga..

Sidoo kale, Hal Diyaarad ayaa lagu duqeeyey Dhismaha Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon-ka, halka midda kale la toogtay iyadoo aan gaarin dhismihii hadafka u ahaa.

Diyaaradahaasi waxaa 2 ka mid ah lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee United Airlines iyo American Airlines.

Duqeyntaasi ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 2,995 qof, iyadoo in ka badan 6.000 oo kalena ku dhaawacmeen.

2,606 waxay ku geeriyootay Xaruntii Daaraha Mataanaha iyo deegaanadda ku xeeran, halka 125 kalena lagu dilay weerarkii lala beegsaday Xarunta dhexe ee Gaashaandhigga ee Pentoganka.

Haddaba, iyadoo aynu dul-mar kooban ku samaynay Dhacdadii September 11, ayaa waxaa soo baxay Caddaymo cusub oo lagu sheegay in Safaaradda Sacuudiga ku leeyihiin caasimadda Maraykanka ee Washington DC ku lug lahayd maalgelinta qaar ka mdi ah 19-kii qof ee fuliyey Weerarkii Diyaaradaha ee 16-sanno ka hor ka dhacay Mataykanka.

Wargeyska The Nork York Post ayaa maanta qoray Warbixin Cusub oo lagu sheegay in laga yaabo inay Safaaradda Sacuudiga ee Washington bixisay kharajkii Afduubayaasha u adeegsadeen Weerarkii Diyaaradaha ee Sept. 11.

Shabakada Wardaye Online Nagala soo xiriir: Xafiiska Muqdisho, Email: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

DHAGEYSO:Madaxda Gobolka Banaadir Oo ka hadashay Qaraxyada ka dhaca gobolka Banaadir

September 20, 2017
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la ...

Maxkamad ku taalla Wadanka Holland oo Xukuntay Weriyaha Ruug-Cadaaga Daahir Calasow (AKHRI YAABKA)

September 20, 2017
Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ...

DHAGEYSO:Al-Shabaab Oo Kordhiyey Dilalka qorsheysan Iyo Mas’uuliyiin ay Saaka ku dileen Boondheere.

September 20, 2017
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof ...