Wednesday, November 22nd, 2017
.

DAAWO:Hogaamiyaha W/Kuuriya Oo Sheegay in Dunidu ay Xanuun Badan La Kulmi Doonto Haddii Dalkiisa Cunaqabteyn Lagu Go’doomiyo

Wadanka North Korea ayaa ah wadan aysan ka jirin cabsi badan balse waxa la soo sheegayaa in ay cadowgooda weyn u arkaan Mareykanka oo keliya. Wadankan ayaa ka mid ah dalalka aadka u horumarsan ee qaaradda Eeshiya.

Sida weriyuhu ku soo waramayo dalkaasi ayaa waxaa ka dhacay dabaaldegyadii qaranka waxaana hogaamiyaha Kim Jong Un uu axdi ku maray in adduunyadu ay xanuun badan la kulmi doonto hadii ay isku raacdo in dalkiisa laga go’doomiyo dunida inteeda kale.

Dhinaca kale, Kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha amaanka ee Q.M. ayaa lagu go’aamiyay in cunaqabateyn Cusub la saaro Dalka Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabiyay Bam Nuclear.

Goluhu waxay sheegeen in cunaqabteyntaan ay saameyn doonto dhaqaalaha wadankaasi waxayna sheegeen inay jawaab u tahay tijaabadii 3-dii bishan ay ku sameysamay Gantaal Nuclear ah kaas oo walaac ku abuuray wadamada dariska.

Safiirka Mareykanka u fadhida Q.M.Nikki Haley ayaa sheegtay in Caalamka aysan waligeed aqbali doonin in waqooyiga Kuuriya ay isku hubeyso Bam Nuclear, Cunaqabateyntan ayaa hadii ay dhaqan gasho waxay Waqooyiga Kuuriya weyn doonta saddex meelood meel saliida ay dibadda u dhoofiso.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...