Thursday, September 21st, 2017
.

DAAWO:BBC-da Oo Maryan Mursal Ka Wareysatay Sababta Midgaanka Loo Guursan Waayey Oo loo Quursado Iyo Maryan Oo aad u Carootay?

Guurka Soomaalida ayaanan ahayn oo keliya xiriir u dhaxeeya arooska iyo aroosadda balse sidoo kale waxa uu yahay xiriir u dhaxeeyo qoysas iyo qabiilo.

Bulshada Soomaalida dhexdeeda ayaa isdhexgalka guurka ku xidida, balse xaaladda qabiilka Gabooyaha ayaa ka bedalan.

Qofkii ka guursadana waxa uu halis ugu jiraa in la deyriyo.

Sahra oo aanan aheyn magaceeda dhabta ah, ayaa waxa ay jeclaatay wiil gabooye ah 18 sano ka hor.

Guurkeeda looma arkin mid lagu farxay oo mudan in loo dabaaldego balse waxaa loo arkay mid ceyb iyo sharaf dhac ah.

“Maalmo kaddib markii aan dhalay, waxaan aaday dukaanka, waxaase isoo ceersaday shan dumar ah, markii hore waa ay I qaban waayeen, balse waan kufay, kaddibna waan miyir daboolmay, shan maalmood ayuuna miyirka iga maqnaa” ayey tiri Sahra.

Qabiilkan oo inta badan wajaha dulmi iyo takoor dhanka dhaqaalaha ah, ayaa haddana waxa uu qabtaa farsamooyin kala duwan oo ah kuwa Soomaalidu ka faanaan.

Todobaatameeyadii, Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, ayaa soo saaray sharci diiday faquuqa ka dhanka ah qabiilada laga tira badan yahay.

Arrintaas ayaa waddada u xaartay guurka labo ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Soomaalida, waa Maryan Mursal, oo ka soo jeeda qabiilka Gabooyaha iyo Axmed Cali Cigaal oo kasoo jeeda beelaha kale ee Soomaalida.

BBC oo Maryan Mursal ka wareysatay sababta aan loo guursanin gabdhaha midgaanta..

 

Maanta Maryan waxa ay ku nooshahay London, waxa ay aaminsan tahay in ay tahay waqtigii dadkeeda ay u istaagi lahaayeen cadaalad darada ay wajaheen.

“Haddii aad madaxaada kor gayso, waxaa laguula dhaqmaa si habboon, haddiise aad isliidid waxaa laguula dhaqmaa six un. Sidaas darteed waxaan ka codsanayaa bulshadeenna in ay u istaagaan xaqooda, naftoodana ku kalsoonaadaan si ay usoo ceshadaan qabkooda iyo aqoonsigooda” ayay tiri Maryan Mursal.

Ninka lagu magacaabo Ismaaciil waa qof kale oo Gabooyaha ka tirsan oo London ku nool, waxana uu yiri “Gabadhayda iyo nin yar ayaa is caashaqay, ka hor intii aysan bilaabanin xafladii meherka waxa ay na weeydiiyeen qabiilkeena, waxaan u sheegay in aan Gabooye nahay, waxayse noo sheegeen in aysan ka guursanin Gabooyaha, waxayna nagu yiraahdeen aan dib u kulano, waa arrin aad niyad jab u ah oo bini’aadanimada ka baxsan”

Kaba-tolaha oo xuquuqdooda lagu tunto wadanka Soomaaliya -BBC-

Shabakada Wardaye Online Nagala soo xiriir: Xafiiska Muqdisho, Email: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (1)

  1. halene yonis says:

    Asc aniga waxaan rabaa inaan gursado gabadh gobooya ah sii aan uu jabiyoo nacayba loo qabo gabadha gabooyaha oo lagu qalbii jabinayo sii looga luimiyo kalsoonideedi gabadhnimo



wararkii hore

DHAGEYSO:Madaxda Gobolka Banaadir Oo ka hadashay Qaraxyada ka dhaca gobolka Banaadir

September 20, 2017
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la ...

Maxkamad ku taalla Wadanka Holland oo Xukuntay Weriyaha Ruug-Cadaaga Daahir Calasow (AKHRI YAABKA)

September 20, 2017
Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ...

DHAGEYSO:Al-Shabaab Oo Kordhiyey Dilalka qorsheysan Iyo Mas’uuliyiin ay Saaka ku dileen Boondheere.

September 20, 2017
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof ...