Wednesday, November 22nd, 2017
.

DAAWO SAWIRADA:Shacabka Muqdisho Oo Xalay sameeyay Arrin Farxad Soo Kordhisay? Sidee?

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa fiidkii xalay waxa ay shideen garoonka ciyaaraha ugu faca weyn magaalada Muqdisho ee Stadio Koonis. Ma jirin cabsi amni darro, ma dhicin rabshado waxaana qof walba uu ku faraxsanaa kooxda guuleysata iyo soo bixitaanka natiijada ciyaarta finaalka ah.

Shaqsi walba waxaa uu ka fekeray sidii uu lebiskiisa qurxoon u soo qaadan lahaa, isla markaana uu hore jeebka u soo gashan lahaa taleefankiisa Samsung Galaxy S6, ama Infinix ama xitaa taleefanka Tooshle isagoo hore jeebka ugu soo ritay wixii uu heli karo oo baabuur raac iyo biyo cabaal ah.

Dadweynaha ayaa aad u faraxsanaa isna weydiinayey cida guuleysan doonta. Waxaana farxad intaa u sii dheeraa Stadium-ka oo lagu soo kordhiyey nalal Spotlight-yo aad u iftiin badan. Kama marneyn Saxaafiyiinta Muqdisho gaar ahaan xarumaha telefishinnada la iska arko oo xalay Live-Coverage ku sameynayey dhacdada meesha ka socotay iyadoo dadweynaha guryahooda joogey, baararka iyo meelaha fog fog laga daawanayey ciyaartii xalay. Saxaafadda ayaa sidoo kale isku dayeysay in ay kaamerooyinkooda heerka dhexe ah ay u adeegsadaa in ay HD ama High Definition uga dhigaan ciyaarta.

Walow aysan heysan weriyeyaasheennu haysanin teknoloojiyaddii ugu dambeysay, hadana waxa farsameyaqaanada xarumaha telefishinada ay sawirayeen xaglaha fog fog, dusha sare, qeybaha hoose, iyo bartamaha garoonka iyagoo soo saarayey muuqaallo u dhigma sawirada Satelite-ku ka qaado garoomada caalamiga ah. Wax rabshado ah ma jirin, mana la daabulin ciidamo kala celiya dadka waxaana qof walba uu iskiis isaga xilsaarayey amniga iyo isdhexgalka bulshada.

Si kastaba, Sawiradii xalay fiidkii la soo qaaday ayaa muujinayey dadweynaha oo ifinaya nalalka taleefanadooda kuwaasi oo ku muujinayaan xiisaha ay u qabeen ciyaartii finalka ee dhex martay kooxaha degmooyinka Hodan iyo Waaberi. Shacabka oo ayaa u muuqday kuwo nabadda ugu caaboon dhinac kastana ka soo dhoweynaya wixii kor u qaadaya hore u socodka caasimadda iyo bilicdeeda.

DIB U EEG MUUQAALKII XALAY EE DADWEYNAHA OO SOO JIITAY INDHAHA CAALAMKA:

 

 

 

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...