Wednesday, November 22nd, 2017
.

Ciidamada dowladda Soomaaliya rasaas Ku kala Eryay Banaabaxayaal Dowladda Taageersan Oo Isugu Soo Ururay irida hore ee Golaha Shacabka

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kala ceyriyay dad doonayay in ay ku hor Banaabaxaan Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Ciidamada dowladda ayaa dadkaasi kala ceyriyay, islamarkaana ku amray in aysan ku hor banaan bixi karin xarunta Golaha Shacabka.

Sidoo kale ciidamada ayaa la sheegay in ay rasaas ku rideen dadkii banaanbaxaayay.

Banaanbaxan oo ahaa mid siyaasadeysan oo lagu muujinaayay tageerada Dowladda, ayaa waxaa lagu soo beegay, iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ka doodayaan Kiiska la xiriira C/kariin Qalbi Dhagax oo Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Dowladda Itoobiya.

Dadkii Shacabka ee Banaanbaxa dhigaayay maanta oo xaafado dhawr ah soo maray, ayaa markii lakala eryay ku kala tagay goobtaasi.

SAWIRADA BANAANBAXA LAGU TAAGEERAYEY DOWLADDA:

 

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...