Thursday, September 21st, 2017
.

AKHRISO:Taariikhda Fanaanka Dahir Lucky, Goortii Xabsiga loo Taxaabay Iyo Sababihii Ugu Waaweynaa Ee Iibinta Gabdhaha Soomaaliyeed

Fanaanka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Mareykanka Daahir Nuur Ibraahim oo loo yaqaano ‘Daahir Lucky” ayaa waxaa laga soo qabtay Gurigiisa oo ku Yaalo Gobolka Tennessee ee dalkaasi dabadeedna la dhigay xabsiga iyadoo lagu soo oogay Daahir Lucky dacwad ka dhan ah isaga waxaana la sheegay inuu ku lug lahaa falal la xiriira dhac, gatidaan gabdho da’yar oo aan wali qaan gaarin, been, xatooyo gaadiid, ka ganacsi hub, ka mid ahaansho burcad ama mooriyaan iyo danbiyo kale oo jabinaya sharciyada wadanka Maraykanka.

Daahir Lucky ayaa waxaa lala xeray 28 dhalinyaro oo kale oo isugu jiray wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo laga soo kala qabtay iyagana gobolada Columbus iyo Minnesotta waxaana la horkeenay maxkamada iyagoo wajiyadooda ay ka muuqatay murugo iyo naxdin iyadoo ay dadkii Soomaalida ee dadkaasi ku dhawaana ay amakaag la yaabeen maadaama aanan dadkaan la ogeyn inay ku jiraan falalkaan ay u weyntahay in eedeysanayaashan uu Dahir Lucky ka mid yahay ay iibgeyn jireen gabdho da’ dooda ka yartahay 14 sano ayna sidoo kale iibgeyn jireen daroogada iyo waxi la mid ah.

Sida ay sawirada kusoo soo bandhigeen FBI-da Mareykanka ayaa waxaa uu Daahir Lucky ahaa shaqsiga ugu da’da weyn waxuuna jiryaa 38 sano halka ay dhalinarada kale yahiin kuwa iyago ka yar da’da sodonjirka.

Dambiyada loo haysto Fanaanka caanka ku ahaa ruwaayadii Qabyo ee Dahir Lucky ayaa waxaa la horgeeyay oo laga xareeyay maxkamadda Tennessee waxaana la sheegay in la daajinayay oo la gaadaayay maadaama ay FBI da Mareykanka ay dabagal ku haysay Soomaalidaan ka taajiray ka ganacsiga daroogada iyo Gabdhaha yaryar.

Daahir Lucky ayaa waxaa uu ahaa nin da’yar oo la sheego inuu fanka ku soo galay dhaqaale tiro badan uu ugu deeqay abwaaniintii jilayay ruwaayaddii Abwaan Sangub ee Qabyo waxaana uu ku lahaa dowr weyn isagoo lahaa albumo heeso ah waxaana ay dadku ku xaman jireen inuu Daahir Lucky ku guuleystay baqtiyaanasiib ama Lottery lacago ahaa balse haatan waxaa Lagu soo oogay fanaankaasi Dacwad ah inuu ku shaqeysan jiray arimahaan aan kor kusoo xusnay oo ay arrintu ka duwan tahay sida ay dadka aaminsanaan jireen.

Shabakada Wardaye Online Nagala soo xiriir: Xafiiska Muqdisho, Email: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (1)

  1. […] DAAWO:Gabdho Soomaali ah Oo La Sheegay in Loo Iibgeeyay Dalka Mareykanka oo Muuqaallo Cusub Soo Saar… […]



wararkii hore

DHAGEYSO:Madaxda Gobolka Banaadir Oo ka hadashay Qaraxyada ka dhaca gobolka Banaadir

September 20, 2017
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la ...

Maxkamad ku taalla Wadanka Holland oo Xukuntay Weriyaha Ruug-Cadaaga Daahir Calasow (AKHRI YAABKA)

September 20, 2017
Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ...

DHAGEYSO:Al-Shabaab Oo Kordhiyey Dilalka qorsheysan Iyo Mas’uuliyiin ay Saaka ku dileen Boondheere.

September 20, 2017
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof ...