Thursday, September 21st, 2017
.

AKHRISO:Puntland Oo Carabka ku Dhufatay in maamulka Galmudug iyo madaxdoodu ka Ganacsadaan maandooriyaha Xashiishka (Marijuana)

Ciidanka amniga gobolka Bari, ayaa maanta Warbaahinta u soo bandhigay maandooriye Xashiish ah oo lagu qabtay kantaroolka magaalada Bosaaso.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Raggii waday maandooriyahan iyo shaqsiyaadkii waday oo ka soo qaaday Galmudug.

Gudoomiyaha gobolka Bari iyo Taliyaha qeybta Booliska ayaa goobjoog ka ahaa goobta lagu soo bandhigay maandooriyahan.

Maandooriyaha Xashiishku waa Kontorobaan wadammada caalamka badankood.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo ka hadlayey howlgalka lagu qabtay maandooriyahan ayaa sheegay in ay dab qabadsiin doonaan maandooriyahaan isla markaana ragga lagu qabtay loo gudbin doono maxkamad.

Taliyaha ayaa sidoo kale digniin u diray shaqsiyaadka ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha, wuxuuna sheegay in ciddii lagu qabto ay la kulmi doonto ciqaab adag.

Taliye Cabdixakiin ayaa sheegay in ciidamadu si weyn u feejigan yihiin isla markaana aysan suurtagal ahayn in si dhuulaameysi ah loo soo gelin karin mukhaadaraad.

Arrintani weli wax jawaab ah kama aysan bixin maamulka Galmudug.

Shabakada Wardaye Online Nagala soo xiriir: Xafiiska Muqdisho, Email: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

DHAGEYSO:Madaxda Gobolka Banaadir Oo ka hadashay Qaraxyada ka dhaca gobolka Banaadir

September 20, 2017
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la ...

Maxkamad ku taalla Wadanka Holland oo Xukuntay Weriyaha Ruug-Cadaaga Daahir Calasow (AKHRI YAABKA)

September 20, 2017
Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ...

DHAGEYSO:Al-Shabaab Oo Kordhiyey Dilalka qorsheysan Iyo Mas’uuliyiin ay Saaka ku dileen Boondheere.

September 20, 2017
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof ...