Thursday, September 21st, 2017
.

AKHRISO:Farmaajo Iyo Kheyre Oo Arrin Culus Ka Dalbadeen Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya {WAA MAXAY..?}

Wararka naga soo gaaraya xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaa ay ku kulmeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka seddexda mas’uul oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa looga hadlaayay culeysyada dowlada ka heysta dhanka baarlamaanka Somalia.

Seddexda mas’uul waxa ay isla soo hadal qaaden dhinacyada ay ka jiraan culeyska sida Mooshinka iyo arrinta ku aadan Qalbi Dhagax oo wali Jawaabteeda laga sugaayo Xukuumada Somalia.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka uga waramay waxa uu salka ku hayo culeyska lagu hayo dowlada waxa uuna bidhaamiyay inay jiraan dhinacyo dhowr ah oo dal daloolada muuqda uga faa’iideysanaaya dowlada.

Farmaajo waxa uu arrin halis ah ku sheegay in sharciyada dalka laga dhigo kuwo mar waliba loo adeegsado dowlada, waxa uuna cadeeyay in dowladu ay mas’uul ka tahay dalka iyo dadka, isla markaana ay u taagan tahay inay xal u raadiso wixii dhib u ah.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa si wada jira Guddoomiyaha barlamaanka uga dalbaday keliya inuu qaboojiyo kacdoonka ay muujinayaan Xildhibaanada si loo abaaro halka ugu sahlan oo lagu xalinkaro tashwiishka jira.

Waxa ay Farmaajo iyo Kheyre u ballanqaaden Jawaari inay daweyn doonaan dhammaan boogaha muuqda, balse ay xiligaani doonayaan in marka hore la qaboojiyo Xildhibaanada.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa labda mas’uul u ballanqaaday inuu juhdi ku bixin doono kala dhantaalida Xildhibaanada is uruursanaaya ee culeyska ku haya dowlada.
Ugu dambeyntii, waxuu balan-qaaday inuu ka shaqeynaayo in Xildhibaanada uu horkeen labada mas’uul iyadoo aanu jirin wax tashwiish oo ay qabaan Xildhibaanada.

Shabakada Wardaye Online Nagala soo xiriir: Xafiiska Muqdisho, Email: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

DHAGEYSO:Madaxda Gobolka Banaadir Oo ka hadashay Qaraxyada ka dhaca gobolka Banaadir

September 20, 2017
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la ...

Maxkamad ku taalla Wadanka Holland oo Xukuntay Weriyaha Ruug-Cadaaga Daahir Calasow (AKHRI YAABKA)

September 20, 2017
Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ...

DHAGEYSO:Al-Shabaab Oo Kordhiyey Dilalka qorsheysan Iyo Mas’uuliyiin ay Saaka ku dileen Boondheere.

September 20, 2017
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof ...