Wednesday, November 22nd, 2017
.

Wiil aad u yar oo Gaajo ugu dhintay wadanka Ingiriiska..

Wiil aad u yar ayaa waxa uu u dhintay gaajo kadib markii ay hooyadii si kadis ah ugu dhex geeriyootay gurigooda oo ku yaalla Hackney ee Dalkaasi Britain, wiilkan yar oo magaciisa la odhan jiray Chadrack ayaa waxa uu u geeriyooday gaajo awgeed muddo laba toddobaad ah kadib markii ay hooyadii geeriyootay sida lagu soo bandhigay jarriidada Daily Mail ee ka soo baxda Dalkaasi Britain.

Wiilkan yar ayaa awood u yeelan kari waayay inuu taabto Bottonka Gurmadka si loogu soo gurmado waxaana muddadaasi kadib loogu yimid isaga oo ku naf baxay sidii uu dul fadhiyay ee uu ugu dhaganaa Meydkii hooyadii, arrintan ayaa waxay noqotay mid aad loola yaabo gudaha Dalkaasi Britain waxa aanay dad badan is-waydiiyeen sidee ayuu Ilmaha yari gaajo daraadeed ugu dhiman karaa isaga oo kusugan Dalka Britain waliba sanadkan aynu ku jirno ee 2017, waxa kale oo ay is-weydiiyeen dad badani waa maxay sababta loo ogaan waayay ilmahaasi yar.

Muddada labada toddobaad ah ee uu hooyadii oo geeriyootay dul fadhiyay, wiilkan yar ayaa waxay Da’diisu ahayd 4 jir halka ay hooyadiina Da’deedu ahayd 24 jir, waxaanay dadkii ka soo qayb galay aaskoodu sheegeen in dadkii dariska la’ahaa ay aad u jeclaayeen.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...