Thursday, September 21st, 2017
.

R/W Kheyre oo War Farxad leh ku Dhawaaqay iyo Shirka Golaha Wasiirada oo lagu Qabanayo Jubaland…

War xasaasi ah oo ay heshay wardaye.com ayaa sheegayaa in Shirka Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya uu ka dhici doono meel ka baxsan caasimadda.

Waxa la sheegayaa in uu shirku khamiista soo socota uu ka dhici doonto magaalada Kismaayo ee dhankaa iyo maamulka Jubbaland, taasoo noqoneysa markii u horeysay ee Shirka Golaha Wasiirada lagu qabto meel aan aheyn Muqdisho,tan iyo markii dowladda Soomaaliya ka baxday Ku meel gaarka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in Golihiisa Wasiirada uu ku wargeliyay inay isu diyaariyaan safar ay ugu ambabaxayaan magaalada Kismaayo, oo halkaas lagu qaban doono shirka Golaha Wasiirada.

Wafdiga ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa u ambabixi doona Kismaayo, iyadoo magaalada laga dareemayo diyaar garowga soo dhoweynta wafdiga, iyo sugida amniga.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka magaalada, iyadoo ay socdaan howl galo ka bilowday xaafadaha magaalada.

Shirarka Golaha Wasiirada ayaa horay uga dhacay magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar, xilligii Ra’iisul Wasaarayaashii hore Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Cadde, xilligaasoo dowladda aheyd mid KMG ah.

Shirka Golaha Wasiirada Dowladda ee lagu qabanayo Kismaayo waa mid ka mid ah isbedellada ay keentay xukuummadda R/W Kheyre..

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay xarumaha maamul goboleedyada dalka ku qabato shirarka Golaha Wasiirada, si ay uga baxdo xeyndaabka Muqdisho, oo xukuumad walba oo la soo dhiso aan dhaafin.

Shabakada Wardaye Online Nagala soo xiriir: Xafiiska Muqdisho, Email: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

DHAGEYSO:Madaxda Gobolka Banaadir Oo ka hadashay Qaraxyada ka dhaca gobolka Banaadir

September 20, 2017
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la ...

Maxkamad ku taalla Wadanka Holland oo Xukuntay Weriyaha Ruug-Cadaaga Daahir Calasow (AKHRI YAABKA)

September 20, 2017
Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ...

DHAGEYSO:Al-Shabaab Oo Kordhiyey Dilalka qorsheysan Iyo Mas’uuliyiin ay Saaka ku dileen Boondheere.

September 20, 2017
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof ...