Wednesday, November 22nd, 2017
.

Rex Tillerson: “Soomaaliya waxaan ka taageeraynaa dhinacyada iska difaacidda argagixisada”

Rex Tillerson, wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka taageerto qorshayaasha horumarineed ee ay higsanayso iyo in ay kala shaqayso dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku cirib tireyso kooxaha argagaxisada.

Xoghaye Tillerson oo khadka teleefoonka kula hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay in Mareykanka uu si buuxda u taageerayo dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Rex Tillerson, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka

“Ahmiyadda ugu weyn ee aan leenahay waa sugidda nabadgalyada iyo xaqiijinta in hay’adaheenna ammaanka ay yihiin kuwo tayo iyo tababar fiican leh. Waxaan dardargelinaynaa dagaalka ka dhanka Alshabaab si loo afjaro khatarta argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Sooomaaliya ayaa dhawaan waxa ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ka caawisay in ay hawlgallo ka fuliyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen argagixisada Alshabaab.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...