Wednesday, November 22nd, 2017
.

Qoys Somali Amerikaan ah oo Dhibaato loogu geystay Mareykanka

Qoyskaani Soomali Mareykanka ah ayaa la xiray laguna xadgudbay xuriyadooda xili ay doonayen in ay dib ugu laabtaan dalka mareykanka kadib maalmo ay joogeyn Magaalada Saskatchewan ee dalka Canada halkaa oo ay u tageen booqasho.

Waxaana Sababta Qoyskaan loo xiray lagu sheegay in ay tahay arrimo la xiriira xag-jirnimo kadib markii Cabdisalaam Wiilwaal oo ah aabaha Qoyskaan Magaciisa lagu daray Liiska Argagixisada oo ay mareykanku doon doonayaan.

Qoyskaan ayaa u xirnaa Ciidamada Ilaalada Xaduudaha Mareykanka Ku dhawaad 12 Saacadood iyagoo si gooni ah u jeebadeeyey Cabdisalaam Wiilwaal halka inta kale ee qoyskaas oo ahaa 4 caruur ah iyo hooyadood ay wada joogeyn meel qura.

“Ciidamada Ilaalada Xaduudaha waxa ay ku xad gudbeyn xuriyadeyna ilaa iyo hada mala ii micneyn sababta rasmiga ah ee magacayga ay ugu dareyn Liiska dadka ay doon doonayaan ee argagixisada, mana jirto sabab la iigu darro liiskaasi waayoo waxaan ahay muwaadin aan dambi gelin” ayuu yiri Cabdisalaam Wiilwaal.

“Sharciyan in qof lagu darro liiska argagixisada ee dalka mareykanka uu doonayo waxaa loo baahanaa saxiixyada wasiirka amniga Gudaha oo ah John Kelly iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka mareykanka Jeff Sessions, waxayna u muuqataa in ay soo sixiixeyn iyagoo aan heyn cadeymo cad oo muujinaayo in Cabdisalaam uu galay dambiyo gaarsan heer lagu dari karo liiska dadka la doon doonayo ee argagixisada ah” Sidaasi waxaa yiri Micheal Scofield oo ah qareynka u doodaya qoyska soomaali Mareykanka ah.

Intuu Xirnaa ayaa waxa la weydiiye Su’aallo ku saabsan safaradiisa iyo Diintiisa taasi oo xad gudub ku ah xuriyada muwaadiniinta ay u leeyahiin socdaalka iyo in ay qaataan diinta ay doonaan iyagoo aan lagu takooreyn.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...