Monday, July 24th, 2017
.

President Tayyip Erdogan oo Cambaareyn Dusha uga Tuuray Reer Galbeedka..

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa ku eedeeyay waddamada Galbeedka munaafaqnimo, xilli maanta uu dalkiisa xusayo sanad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay isku-daygii afgembi.

Madaxweyne Erdogan oo maqaal ku qoray wargeys ayaa sheegay in aanay wax marmarsiyo ah haysan dalalka saaxiibka la ah Turkiga ee sugayey inta ay ka kala caddaanayso xaaladda isku-daygii afgembi.

Waxa uu intaa ku daray in dalalka qaar ay magangelyo siiyeen xulafada Fethullah Gulen, oo ah wadaad fadhigiisu yahay Maraykanka, Erdogan-na uu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay falkaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku gacan-sayray eedeymaha ah in xukuumaddiisa ay gacan bir ah ku qabatay dadka lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen isku-daygaasi afgembi.

Dalka Turkiga waxaa maanta ka dhacaya munaasabado dhowr ah oo lagu xusayo sanad guurada koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi ee ka dhanka ahaa madaxweyne Rajab Tayid Erdogan.

15-ka July ayaa waddankaasi looga asteeyay maalin fasax qaran ah, ayadoo la xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid bedeshay taariikhda Turkiga.

Madaxweyne Erdogan

Recep Tayyip Erdogan, m/weynaha Turkiga

Sawir Poster ah oo muujinaya sidii shacabku isku hortaageen afgembigii milleteri ee Turkiga..

Nagala soo xiriir: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

Geelle Xaaf: “Walaalahay Ahlu-Sunna Waa in ay Xabadda ka Joojiyaan Rayidka Abaaruhu Hayaan..”

July 24, 2017
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf  ayaa sheegay in ciidanka maamulkiisa aanu ka qeybqaadan dagaalladii ka dhacay ...

Maxaa kala heysta M/weyne Farmaajo iyo Ganacsatada Taakuleysa Kooxda Al-Shabaab??

July 24, 2017
Wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in ganacsatada Soomaaliya ay hor tegi doonaan Farmaajo. Xogta ayaa sheegaysa ...

DAAWO:Muslimiinta Iyo Yahuuda oo isaga horyimid Masjidul Aqsa iyo Dhagaxaanta oo Sida Roobka!!!

July 22, 2017
DAAWO:Muslimiinta Iyo Yahuuda oo isaga horyimid Masjidul Aqsa iyo Dhagaxaanta oo Sida Roobka!!!