Monday, July 24th, 2017
.

Madax ka tirsan dowladda Galmudug oo Isbitaal loola Cararay, kaddib markii Cunto Sun loogu daray..

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in illaa 18 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah la dhigay isbitaalka koofureed ee magaaladaas, kaddib markii ay cuneen raashin sumeysan.

Sida ay sheegayaan wararka dadkan ayaa waxaa ku jira Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug iyo Kuxigeenka duqa magaalada Gaalkacyo iyo dhalinyarada deegaanka caanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiintan iyo dhalinyarada ay raashinka sumeysan ku cuneen deegaan lagu magacaabo Daara Salaam oo illaa 15KM u jira Gaalkacyo, isla markaana kaga qeyb galayay munaasabad magaca looga bedelayay deegaankan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in dadka xaaladooda wax laga qaban la’yahay ay u qaadayaan Isbitaalada Muqdisho.

Illaa iyo hada lama soo sheegin wax dhimasho ah, hase ahaatee 12 ka mid ah dadka la dhigay Isbitaalka Koofureed ee Gaalkacyo ayaa xaaladooda la sheegay inay tahay mid aad u liidato.

Nagala soo xiriir: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

Geelle Xaaf: “Walaalahay Ahlu-Sunna Waa in ay Xabadda ka Joojiyaan Rayidka Abaaruhu Hayaan..”

July 24, 2017
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf  ayaa sheegay in ciidanka maamulkiisa aanu ka qeybqaadan dagaalladii ka dhacay ...

Maxaa kala heysta M/weyne Farmaajo iyo Ganacsatada Taakuleysa Kooxda Al-Shabaab??

July 24, 2017
Wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in ganacsatada Soomaaliya ay hor tegi doonaan Farmaajo. Xogta ayaa sheegaysa ...

DAAWO:Muslimiinta Iyo Yahuuda oo isaga horyimid Masjidul Aqsa iyo Dhagaxaanta oo Sida Roobka!!!

July 22, 2017
DAAWO:Muslimiinta Iyo Yahuuda oo isaga horyimid Masjidul Aqsa iyo Dhagaxaanta oo Sida Roobka!!!