Thursday, September 21st, 2017
.

Kooxda Al-Shabaab oo xirtay Dugsiyada Waxbarashada ee gobolka Shabeellada Dhexe

Gobolka Shabeellada Dhexe waxaa maanta lagu xiray macallimiinta dhigta dugsiyada waxbarasho ee ku yaal degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maamulada iskuulada ee ku yaalla Jowhar maalmo ka hor Al-Shabaab ugu yeereen degaanka Gamboole oo 40-KM meel dhanka galbeed kaga beegan magaalada Jowhar, kadibna ay shalay tageen, iyagoo la soo kulmay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaa wali ka hadlin xiritaanka Maamulada Iskuulada.

Deegaanka Gamboole ayaa la rumeysan yahay inay xilligan xarun u tahay Al-Shabaab, waxaana dadka ku nool Jowhar iyo hareerihiisa ay u aadaan arrimo dacwo la xiriira dhul, iyo arrimo kale, halkaasi oo ay ku taalo maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab oo dacwadaha qaada.

Shabakada Wardaye Online Nagala soo xiriir: Xafiiska Muqdisho, Email: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

DHAGEYSO:Madaxda Gobolka Banaadir Oo ka hadashay Qaraxyada ka dhaca gobolka Banaadir

September 20, 2017
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la ...

Maxkamad ku taalla Wadanka Holland oo Xukuntay Weriyaha Ruug-Cadaaga Daahir Calasow (AKHRI YAABKA)

September 20, 2017
Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ...

DHAGEYSO:Al-Shabaab Oo Kordhiyey Dilalka qorsheysan Iyo Mas’uuliyiin ay Saaka ku dileen Boondheere.

September 20, 2017
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof ...