Wednesday, November 22nd, 2017
.

Guddiyadda Joogtada ah ee Baarlamaanka oo u yeeray Xasan Cali Kheyre.+Arrimo Xasaasi ah..

Shir Deg Deg ah oo ay ka soo qeybgaleen Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka, ayaa lagu gorfeeyay qaabka ula tacaaleyso mixnadaha dowladda horyaalla.

Shirka oo uu albaabada u xirnaayeen ayaa su’aalo lagu weydiinayaa Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan arrimo ku saabsan kacdoon hoose oo ay wado Xukuumadda oo ay ku kicineyso bulshada iyo hadalkii ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, kaasi oo ku aadanaa in Xildhibaanada Mooshinka wada la weerari doono.

Sida ay idaacadda Simba ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo Wararka ayaa sheegaya inXildhibaanada Baarlamaanka ay hadalka Sheekh Nuur Baaruud aad uga caroodeen, ayna keentay in Guddoonka ku wargeliyaan in arrintan si deg deg ah wax looga qabto, taasoo keentay in kulan deg deg ah la isugu yeero Guddiyada joogtada Baarlamaanka, si arrintan looga hadlo, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha loo yeero si uu jawaabo uga bixiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga yaabaa inuu raalli gelin ka bixiyo hadalka ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, kaasi oo laga jeediyay Xarunta Akadeemiyadda Jeneraal Kaahiye ee Degmada Xamar Jajab.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo labo habeen ka hor ka hadlay xaflad ka dhacday xarunta Gen. Kaahiye ayaa sheegay in Xildhibaanada wada mooshin lagu duminayo Xukuumadda ay meelaha ay joogaan ugu galayaan, isla markaana iyaga iyo shacabka ay garaacayaan, taasoo madaxdii uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha ay u sacbiyeen, una istaageen.

Dhanka kale Guddiyada Joogtadda ah ee  Baarlamaanka Soomaliya  ayaa lagu wadaa inuu caddeeyo in Xukuumadda aanay xilligan wax mooshin laga wadin, kaddib hadal heyno beryahan jirtay iyo kicin lagu haayo shacabka oo la isaga hor-keenayo shacabka iyo Xildhibaan.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...