Wednesday, November 22nd, 2017
.

Diblumaasi ka soo Qeyb Qaatay Xasuuqii Wagalla Massacre oo Geeriyooday

Waxaa dhowaan Caasiamdda Kenya ku Geeriyooday Bethuel Kiplagat oo kaalin muhiim ah ka soo qaatay wadahadaladii nabadeed ee aakhirkii lagu soo dhisay dowladdii KMG ee C/llaahi Yuusuf hoggaaminayay.

Dowladda Kenya ayaa Bethuel Kiplagat ayaa u xilsaartay hanaankii nabadda ee Soomaaliya ee socday sanadihii 2003 – 2005, isagoo sidoo kale ahaa guddoomiyaha guddiga farsamada IGAD u qaabilsanaa shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.

Danjire Kiplagat wuxuu door muhiim ah ka cayaaray wada xaajoodyadii nabadda ee dhex maray madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir iyo hogaamiyihii fallaagada John Garang.

intii u dhaxeysay 2009 – 2010-kii wuxuu noqday guddoomiyaha guddiga runta, cadaaladda iyo dib u heshiisiinta ee Kenya, xilkaas oo uu iska casilay markii lagu sameeyey baaritaanno ku lug leh eedeymo la xiriira tacaddiyo xuquuqda aadanaha ah, gaar ahaan kaalin inuu ku lahaa xasuuqii Wagalla ee1984.
Mr. Bethuel Kiplagat ayaa ku geeriyooday isagoo jira 81 sano, waxaana la filayaa in aas qaran ay u sameyso dowladda Kenya,madaama oo Xilal badan kasoo qatay Xukumadihii dalkaas soo maray.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...