Monday, July 24th, 2017
.

DEG DEG:Xawaaladaha Soomaalida ee Sacuudiga iyo UAE oo Halis Fooda la sii Galaya

Wararka aynu ka helayno wadammada Khaliijka ayaa sheegayaa in Khilaafka Siyaasadeedka ee u dhaxeeya wadamada Khaliijka uu saameyn ku yeelan doono Ganacsiga ka dhexeeya wadammada xiriirka la leh guud ahaan dalalkaasi.

Cabsida ugu badan ayaa laga qabaa in saameyn soo wajahdo Ganacsiga Xawaaladaha Soomaalida ee ku yaal dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Cabsidani ayaa timid wixii ka danbeeyay go’aanka diidmada ahaa ee dhowaan kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo dowladdu ku diiday in ay garab istaagto isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee xawaaladaha ku leh Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa iyagu durba la kulmaya cadaadis ka dhan ah go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku adkeysatay. Waxaa wararku sheegayaan in Sacuudigu odorasay in Soomaaliya ay xiriir hoose la sameysatay madaxda wadanka Qadar.

Diblumaasiyiin Soomaali ah ayaa sheegay inay suuragal tahay in Khilaafka dadban ee Sacuudiga iyo Imaaraadka kala dhexeeya Somalia uu galaafto Ganacsiga ay Soomaalida ku leedahay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Waxa ay sheegen in dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ay durba Xawaaladaha Soomaalida ay culeys ka saaren dhanka Bangiyada, iyadoo la maraayo dhammaan shuruucyada u degsan Bangiyada dalalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka maaliyada Xukuumada Somalia ayaa dhawaan arrintaani kala hadlay Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia Al-Othmani, oo aqbalay in wax laga bedelo arrintaani.

Nagala soo xiriir: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

Geelle Xaaf: “Walaalahay Ahlu-Sunna Waa in ay Xabadda ka Joojiyaan Rayidka Abaaruhu Hayaan..”

July 24, 2017
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf  ayaa sheegay in ciidanka maamulkiisa aanu ka qeybqaadan dagaalladii ka dhacay ...

Maxaa kala heysta M/weyne Farmaajo iyo Ganacsatada Taakuleysa Kooxda Al-Shabaab??

July 24, 2017
Wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in ganacsatada Soomaaliya ay hor tegi doonaan Farmaajo. Xogta ayaa sheegaysa ...

DAAWO:Muslimiinta Iyo Yahuuda oo isaga horyimid Masjidul Aqsa iyo Dhagaxaanta oo Sida Roobka!!!

July 22, 2017
DAAWO:Muslimiinta Iyo Yahuuda oo isaga horyimid Masjidul Aqsa iyo Dhagaxaanta oo Sida Roobka!!!