Thursday, September 21st, 2017
.

DAAWO VIDEO:Taariikhda Magaalada Saylac, Documentry Laga Helay Masxafka Turkiga

Saylac waa magaalo xeebeed taariikhi ah oo ku taala Gobolka Awdal ee Waqooyiga dalka Soomaaliya.
Magaalada waxay ku taalaa waqooyi-bari Gobolka Awdal, waxayna aad ugu dhowdahay wadanka Jabuuti oo ay u jirto ilaa 120 km.

Magaalada Seylac oo ah mid qadiimi ah oo aad u taariikh dheer ayaa wakhti xaadirkan magaalo-madax u ah gobolka Selel oo ah gobol cusub ooy magacaabtey Somaliland.

Seylac waxaa loo aqoonsan yahay ineey jirtey tan iyo wakhti ka horeeysay soo bixitaanka diinta Islaamka , midaasi oo ah goobaha ugu taariikhda dheer qaarada Afrika , iyada oo ay ku yaalaan meelo fara badan oo taariikhi ah hase yeeshee ka turjumaaya taariikhda geeska Afrika gaar ahaan tan Soomaalida.

Waxa laga soo xigtey sahamiyayaal Roman iyo Giriig ah in qarnigii 1aad Seylac dhisneyd isla markaana lahayd maamul caasimadeed iyo hogaan heer sare ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Tan iyo horaantii soo bixitaanka diinta Islaamka magaalada Seylac waxay ahayd hooy waxbarasho, ganacsi, dhaqan, ilbaxnimo, xadaarad iyo maamul boqortooyo.

Qiyaastii qarnigii 7aad ilaa 8aad ayaa diinta Islaamku ku soo fidey magaalada Seylac oo wakhti kooban ku noqotay hooyga diinta ee guud ahaan qaarada Afrika , gaar ahaan geeska Afrika.

Badhtamihii qarnigii 9aad ayaa maagaalada Seylac waxay aasaas iyo saldhig u noqotey biloowgii Boqortooyadii Adal , midaasi oo ka talin jirtey deegaanadaas mudo qarniyo ah ilaa laga soo gaadhayay qarnigii 14aad markii ay gaadhay meesha ugu sareeysay ee deegaanada geeska Afrika.

Wakhtiyadii ku xigay waxaa caasimada qadiimiga ah la wareegay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo xukumayay tan iyo goortii ay kala wareegtay Boqortooyada Ingiriiska.

Shabakada Wardaye Online Nagala soo xiriir: Xafiiska Muqdisho, Email: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

DHAGEYSO:Madaxda Gobolka Banaadir Oo ka hadashay Qaraxyada ka dhaca gobolka Banaadir

September 20, 2017
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la ...

Maxkamad ku taalla Wadanka Holland oo Xukuntay Weriyaha Ruug-Cadaaga Daahir Calasow (AKHRI YAABKA)

September 20, 2017
Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ...

DHAGEYSO:Al-Shabaab Oo Kordhiyey Dilalka qorsheysan Iyo Mas’uuliyiin ay Saaka ku dileen Boondheere.

September 20, 2017
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof ...