Monday, July 24th, 2017
.

Baarlamaanka oo walaac ka muujiyay mowqifkii dowladdu ka qaadatay Khilaafka Carabta..

C/qaadir Cosoble Cali, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibadda ee baarlamaanka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay warqad ku saabsan khilaafka dalalka Khaliijka iyo walaac xubno ka tirsan Guddiga ka muujiyeen mowqifka ay ka qaadatay dowladda Federaalka.

Warqadan oo shalay la gaarsiiyay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa loogu baaqay in dowladda dib uga fiirsato go’aankaas, isla markaana dood laga furo, dowladdana wada tashi la yeelato siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada golaha shacabka, si loo mideeyo ama la isku soo dhoweeyo mowqifka dowladda, taasoo yareyneyso in khilaafka Khaliijka uu saameyn ku yeesho xasiloonida dalka iyo danta shacabka ee xiriirka ay la leeyihiin labada dhinac.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyada, Senator ka tirsan Aqalka sare ayaa dowladda Federaalka ayaa qaarkood si toos iyo si dadban uga hadlay go’aanka dowladda ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka, iyagoo soo jeediyay in dib uga fiirsato dowladda mowqifka dhex dhexaadnimada ah.

Halkan hoose ka akhriso warqadan Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka uu u diray Madaxweyne Farmaajo.

 

Nagala soo xiriir: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

Geelle Xaaf: “Walaalahay Ahlu-Sunna Waa in ay Xabadda ka Joojiyaan Rayidka Abaaruhu Hayaan..”

July 24, 2017
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf  ayaa sheegay in ciidanka maamulkiisa aanu ka qeybqaadan dagaalladii ka dhacay ...

Maxaa kala heysta M/weyne Farmaajo iyo Ganacsatada Taakuleysa Kooxda Al-Shabaab??

July 24, 2017
Wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in ganacsatada Soomaaliya ay hor tegi doonaan Farmaajo. Xogta ayaa sheegaysa ...

DAAWO:Muslimiinta Iyo Yahuuda oo isaga horyimid Masjidul Aqsa iyo Dhagaxaanta oo Sida Roobka!!!

July 22, 2017
DAAWO:Muslimiinta Iyo Yahuuda oo isaga horyimid Masjidul Aqsa iyo Dhagaxaanta oo Sida Roobka!!!