Thursday, September 21st, 2017
.

AKHRISO:Yaa Diley 5-tii Wiil ee uu Dhalay Ganacsade Xaaji Gaabow?

5 Wiil oo uu dhalay ganacsade Xaaji Gaabow ayaa la diley iyagoo isla saaran hal baabuur. Dilka ayaa waxaa fuliyey koox aad u hubeysan oo baadigoobayey wiilashaasi. Dilkani oo ahaa mid arxan darro ah ayaa ka dhacday deegaanka Calamada ee dulleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegayaa toogashada ku dhinteen dhammaantood 5-tii wiil oo u dhalay ganacsade Xaaji Gaaboow. Ninkani ayaa caan ka ah koonfurta Soomaaliya, dadka degaanka Calamada ayaa laga soo xigtay in Kooxo ku cusub degmada oo aad u hubeysan inay rasaas ku fureen wiilashan oo saarna hal gaari, markaa oo la xaqiijiyay inay ka yimaadeen aaska haweeney ay qaraabo dhow ahaayeen.

Qof dadka deegaanka ka mid ah wuxuu sheegay kooxda dilka fulisay inay dhulka keynta ah ee deegaanka ku dhow uga daba-tageen mid ka mid ah wiilasha uu ganacsadaha dhalay oo dhaawac ahaan u baxsaday,iyagoo kaddibna toogtay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAAL NAXDIN BADAN

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo dilka ka hadlay wuxuu sheegay inay aad uga naxeen,wuxuu marka caddeeyay inan wali la aqoonsan kooxda dilka fulisay,balse ay baaritaanno wadaan hay’adaha ammaanka dalka.

Dilkan ayaa lugu sheegay inuu ka mid noqonayo kuwii ugu naxdinta badna ee ka dhaca duleedka magaalada Muqdisho,lama ogga sababta ka dambeysay toogashada iyo kooxda fulisay.

__

Shabakada Wardaye Online Nagala soo xiriir: Xafiiska Muqdisho, Email: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

DHAGEYSO:Madaxda Gobolka Banaadir Oo ka hadashay Qaraxyada ka dhaca gobolka Banaadir

September 20, 2017
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la ...

Maxkamad ku taalla Wadanka Holland oo Xukuntay Weriyaha Ruug-Cadaaga Daahir Calasow (AKHRI YAABKA)

September 20, 2017
Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ...

DHAGEYSO:Al-Shabaab Oo Kordhiyey Dilalka qorsheysan Iyo Mas’uuliyiin ay Saaka ku dileen Boondheere.

September 20, 2017
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof ...