Thursday, June 29th, 2017
.

Nin Mareykan ah oo Si Xun u diley Gabar Muslim ah oo u sii socotey Masaajid ku yaal..

Wargeyska the Washington Post ayaa qoray in nin Cunsuri ah uu weeray gabar dhallinyaro ah xilli ay ku socotay waqtiga cibaadada ee masaajid ku yaal gobolka Virginia.

Gabadhan oo 17 jir ah ayaa meydkeeda la helay Axadii. Waxaana la sheegay in uu dilka geystay nin lagu magacaabo Darwin Martinez Torres oo degan degaanka Sterling.

Gabdhahan ayaa wada socday iyagoo 4 ah waxaana xilli subaxdii ah ka soo hor baxay gaari soo beegsaday, 3 ka mid ah gabdhaha Muslimiinta ah ayaa cararay halka tii soo hartay ay gashay masaajid goobta ka agdhow.

Gabadhaasi oo meesha lagu cidleeyay kadibna gabadhaasi inta la faraxumeeyay bir madaxa looga garaacay, sidaasi waxaa sheegtay Aleksandra Kowalski oo ah afhayeen u hadashay booliska kowntiga Loudoun County ee degaankaasi.

Nabres, gabar Muslim ah oo la faraxumeeyay Lana diley xilli ay u socotey salaadda Tahajudka masjidka Adams ee Virginia.

Dilalka loo geysanayo rayidka Muslimiinta ayaa ku badanaya reer Galbeedka waxaana xitaa la burburinayaa hantidooda iyadoo dad cunsuriyiin ah ay falalkaasi la beegsadaan cidii ay nuglaansho ka dareemaan.

ADAMS waa masjidka ugu weyn gobolka Virginia iyo degaanada ku hareeraysan isagoo qaada xadi 700 qof. Waana xarun ay muslimiintu ku kulmaan oo waxqabad kala gedisan.

Shuceyb Xasan oo ah ku xigeenka maamulka masjidka ADAMS ayaa yiri: “Waxaa aan ku jirnaa Gabdhuhu 10-kii ugu dambeeyay bisha Ramadaan masjidkuna waxa uu ku howlanaa tujinta salaado dheeri ah oo ilaa 2 a.m. subaxnimo soconaya kolkaas oo Mareykanja laga suxuuranayo, xubnaha masjidkuna waxa ay u dhaqaaqaan dhanka maqaaxiyaha McDonalds halkaas oo inta aaney qorraxdu soo bixin ay xirtaan soonka, sidaas ayey Nabra iyo saaxiibadeed sameynayeen”

Arsalan Iftikhar, oo ah looyer herr caalami isla markaana difaace xuquuqda aadmiga ayaa sheegay in uu kor kala socday xaaskiisa iyo haween badan oo masjidka ku xoonsan abaarihii 12 am kolkaas oo suxuurta loo socdey, “waqtigaas Dumarku waxa la maqlaa iyagoo faraxsan oo dood iyo iswareysi ku jira” ayaa uu yiri.

Dilka Nabres ayaa naxdin ku noqday saaxiibadeed iyo dhammaan bulshada Muslimiinta ee Mareykanka.

Torres ayaa boolisku xireen waxaana ninkani uu haatan sugayaa maxkamad.

Darwin Torres oo booliska Virginia u xireen in uu ka dambeeyey dilka gabadha Muslimka ah (Nabres).

Dhanka kale, Bishii la soo dhaafay waxaa sidaan oo kale la weeraray gabdho muslimiin ah oo masjid ka soo baxay, kolkaas oo 2 nin oo u soo gurmaday lagu diley tooreeyo.

Nagala soo xiriir: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

Ma Libaax Badeed Baa Cunay Fiiladii Internetka Badda+DAAWO Yaa Gooyey Fiilada Fibre-ka?

June 28, 2017
Fiilooyinkii badda marayey ayaa waxaa jaray markab badda ka kalluumeysanayey. Soomaaliya ayaa leh xeeb aan amnigeeda la sugin muddadii ...

Imaaraadka Carabta oo ku hanjabay cunaqabateyn dheeri ah oo ay ku soo rogaan Qatar.

June 28, 2017
Wararka ka imaanaya dalalka Khaliijka ayaa sheegaya in UAE ay shaacisay in ay cunaqabateyn dheeri ah wajahi doonaan ...

Fiilada Fibre-Optikada Soomaaliya oo dib loo Dayactirayo..

June 28, 2017
Markab dib u dayactiraya Fiiladii Internet-ka ee Fibre Optic ee dhowaan laga gooyey Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa ...