Hogaamiyaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lacag ku dhow $20,000 (Labaatan kun oo dollar) ugu deeqay carruurta Agoonta ee ku jirta Xerada Agoonta ee degmada Afgooye, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

170 carruur agoon ah waxaa midkiiba la siiyay lacag dhan $110, taasoo wadarta lacagta lagu deeqay ka dhigeysa $18,700 (Sideed iyo toban kuniyo todobo boqol oo dollar).

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa wakiil ka ahaa gaarsiinta deeqdan lacageed oo ah tii u horeysay ee Madaxweynuhu xaqul ciid ahaan u gaarsiiyo carruurta agoonta ah ee ku jirta Xeradaas.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jen, Xuseen Xasan Cusmaan ayaa ka mahad celiyay deeqdan lacageed ee uu Madaxweynuhu soo gaarsiiyay carruurta agoonta, isagoo xusay in Madaxweynuhu qudhiisa uu horay uga baxay xeradan oo kale, isla markaana raggii ku bar baaray, waxaa uu xusay inuu xaalada ay ku sugan yihiin carruurta uu ogyahay, kana damqanayo.

Waxaa uu codsaday in deeqdan ay noqoto mid joogto ah, isagoo xusay in wali carruurta ku jirta xerada ay isugu jiraan kuwo gogol la’aan, sariir la’aan, isla markaana wixii hada ka dambeeya loo baahan yahay in laga fikiro raashinkooda.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka hadlayay deeqda lacageed ayaa sheegay in Madaxweynaha uu wakiil yahay, isla markaana lacagta loogu soo dhiibay illaa 170 carruur.

“Waxaa maanta halkan u nimid inaan markii u horeysay, anagoo wakiil ka ah Madaxweynaha aan soo gaarsiino deeq lacageed oo nagula soo dhiibay caruurtan oo hada halkan ku fadhiya 170, tirada guud ay tahay 180 carruur,  10 xanuun iyo daacuun ku maqan yihiin, calaa canug lacag dhan 110 dollar ah ayaa loogu tala galay oo isugu jirta bisha Ramadaan waxyaabihii lagu quudin lahaa carruurtan waa kala soo daahnay iyo xaqul ciidkooda,  inay ciidaan oo carruurta farxaan gabdho iyo wiilalba, waxaa kaloo rabaa inaan halkan ka cadeeyo, anoo ku hadlaya Xafiiska madaxweynaha in carruurtan noloshooda maanta wixii ka dambeeya si joogta ah bil walba ay madaxtooyada balan qaadeyso”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed.

Waa markii labaad oo uu Madaxweyne Farmaajo deeq lagaceed bixiyo, tan iyo markii xafiiska uu la wareegay, horay waxaa uu Guddiga Gurmadka Abaaraha ku wareejiyay lacag dhan $30,000 oo uu sheegay in hadiyad ahaan loo siiyay.

Lama oga halka lacagtan ka timid, hadii ay tahay lacag laga bixiyay qasnada dowladda, iyo ama si gaar ah Madaxweynuhu jeebkiisa uga baxday, iyadoo mar sii horeysay wareysi uu siiyay Wargeyska Sharqal Awsad uu sheegay in aanu aqoon mushaarkiisa, isla markaana aanu wax lacag ah ka qaadan dowladda.