Wednesday, November 22nd, 2017
.

Ma Libaax Badeed Baa Cunay Fiiladii Internetka Badda+DAAWO Yaa Gooyey Fiilada Fibre-ka?

Fiilooyinkii badda marayey ayaa waxaa jaray markab badda ka kalluumeysanayey.

Soomaaliya ayaa leh xeeb aan amnigeeda la sugin muddadii 30-ka sano aheyd ee ugu dambeysay waxaana warar hoose oo la isla dhex marayo ay sheegayaan in maraakiibta kalluumeysi ee badda gunteeda ka qaata ugxaanta kalluumeysiga ay gooyeen fiilooyiinka tani oo cadeyn u ah in sida maraakiibtaasi ay si xaasidnimo ah u burburiyaan keydka dhagxaanta ka sameysan ee badda gunteeda ku yaal.

Maraakiibta kalluumeysigu waxa ay sidoo kale khatar ku hayaan jammallada ay ugaarta badda ku dhex dhasho iyagoo ku duqeeya biro culus oo ay ku dhufteen si ay burburka uga aruursadaan ugxaanta ugaartaasi kadibna waxaa ukumahaasi lagu beeraa baddo kale oo ay waa hore ka suuleen ugaartu.

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL

Maraakiibta xaaqeysa badda xeebta ah ayaa dhowaan jaray fiiladii loogu talo galay internet-ka tani oo ah fariin toos ah oo ay dirayaan maraakiibta shisheeye ee ka qowleysta badaha Soomaaliya.

Digniinaha soo wajahaya Soomaaliya ayaa ah kuwo maraya meeshii ugu dambeysay iyadoo maraakiibta qodata baddeenna ay soo gudbeen xadigii qaadashada kalluunka, waxaana haddii aan laga hortagin ay dhibaato gaarsiin karaan horumar kasta oo dalkeennu ka heli karo badweynta dheererkeedu yahay 3,330,000 km.

.

Readers Comments (0)



wararkii hore

AKHRISO:Taariikh Nololeedka Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha-La-Doortay) ee Somaliland

November 21, 2017
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka ...

WAR DEG DEG AH:Natiijada Doorashooyinka Soomaaliland oo la shaaciyay

November 21, 2017
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii November ee sanadkan 2017. Guddiga waxa ...

Maxaa ay Isku Afgarteen M/weyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed?

November 21, 2017
M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhaxal Sugaha ismaamulka Abu-Dubai, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ...