Thursday, September 21st, 2017
.

Google oo Digniin siisay Qolyaha Xagjirka ee Youtube-ka soo geliya filimaan…

Shirkadda Google ayaa mar kale sheegtay in ay internetka ka bixin doonto walxaha argagaxa leh ee la soo geliyo.

Shirkadda ayaa hadalkeedu ku soo beegmay kadib markii ra’iisul wasaaraha Ingiriisku ay dhowaan ka dhaeaajisay shirkadaha internetku ay argagixisada siiyaan meelo ay soo gashadaan fariimahooda ayna nabad ku gudbistaan qoraalladooda.

Hore ayaa sidoo kale xubno ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska waxa ay hey’adaha Internetka u gudbiyeen dhaliil iyagoo Google ku yiri: “Waxaad tiglhiin fuleyaal aan xitaa bixin karin maqaallada iyo dacaayadaha Naaziga ay soo geliyaan Youtube-ka.

Google ayaa iska fogeysay eedahan waxaana ku xigeenka madaxa shirkadda Google Kent Walker uu sheegay in uu dejiyey 4 istraatiijiyadood oo muhiim ah.

Walker ayaa la hadlayey majaladda Financial Times waxaana uu qeexay shirkadda internetka ee Google ay la shaqeneyso shirkad lagu magacaabo Jigsaw, oo ay hore Google u aasaastay si looga gaashaanto dhibaatooyinka laga geysanayo dhanka online-ka.

Waxa uu sheegay in waayadan ay la diriraan kooxaha xagjirka ku faafiya internetka.

Mas’uulka ayaa tilmaamay in xagjiriinta Islamic State militant group (ISIS) ay ka hor istaagaan in ay dad ka shaqaaleyso dhanka qadka internetka.

Walker waxa uu yiri: ” Markaanu bixinno walaxda argagoxisadu soo geliso, waxaan ku bedelnaa wax ummadda madadaaliya”

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka argagixisadu daashatay, waxaana maalin walba internetka laga saaraa filimaan is xayeysiin ah oo kooxaha dagaalamaayshu ku faafiyaan internet-ka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa adeegsata injineerro u kala fadhiya dalal kala duwan kuwaasi oo sameystay dallad la yiraahdo Al-Kataa’ib, waxayna qaabilsan yihiin sidii dagaalladooda looga daawanlahaa online-ka.

Google ayaa uga digtay kooxaha wax tashkiiliya in aysan heli doonin daqiiqado yar oo ay ra’yigooda argagixiso kaga dhaadhiciyasn dadka kale ee rayidka ah.

Shabakada Wardaye Online Nagala soo xiriir: Xafiiska Muqdisho, Email: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

DHAGEYSO:Madaxda Gobolka Banaadir Oo ka hadashay Qaraxyada ka dhaca gobolka Banaadir

September 20, 2017
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la ...

Maxkamad ku taalla Wadanka Holland oo Xukuntay Weriyaha Ruug-Cadaaga Daahir Calasow (AKHRI YAABKA)

September 20, 2017
Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ...

DHAGEYSO:Al-Shabaab Oo Kordhiyey Dilalka qorsheysan Iyo Mas’uuliyiin ay Saaka ku dileen Boondheere.

September 20, 2017
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof ...