Thursday, September 21st, 2017
.

Cuntada Kobcisa Maskaxda, xusuusta & Garaadka Qofka..

Sida aynu wada ogsoonnahay cuntada qofka aadamaha ahi qaataa waxa ay saamayn ku leeyihiin caafimaadka qofka, tusaale ahaan cuntadooda qaar waxa ay jirka ku keenaan xanuuno iyo waxyaabo halis galiya caafimaaadka shakhsiga ah, sidaasi si lamida ayaa cuntooyinka qaarkood jidhka u leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo aad u sarreeya.

Cuntooyinka faa’iidada caafimaad ee badan u leh jidhka aadamaha gaar ahaan cuntooyinka kor u qaada xasuusta iyo garaadka qofka, cuntooyinka laga soo saaro noolaha ku nool badda, iyo waliba noocyo ka mid ah khudaarta cagaaran oo iyagana la ogaaday inay si weyn u kordhiyaan xasuusta iyo guud ahaan maskaxda kuwaas oo ay ka mid yihiin:-

Furuutiska, khudaarka cagaaran, kalluunka, cuntooyinka midhaha ah ee galka leh iyo kuwa salliida laga miiro sida geedka saytuunka. dhamaantood waa kuwa door weyn ka qaata unkidda maadooyin cunteed oo kobciya garaadka qofka.

Kalluunka waxa lagu tilmaamaa cunto asaasi u ah kobaca maskaxda aadamaha waxaana ku jira saddex maaddo oo loo yaqaano OMIGA3 oo si weyn uga qayb qaata korriinka maskaxda, maadooyinkaani waxa ay hoos u dhigaan xaddiga badan ee dufanka ah ee dhiigga raaca, kuwaasi oo dhibaato caafimaad sababa.

Liin macaanta, muuska, rumaanka, cinabka, tufaaxa, yaanyada iyo xab-xabku dhamaantood waxa ay ka mid yihiin liiska cuntooyinka kobaca iyo koritaanka maskaxda kow ka ah.

Shabakada Wardaye Online Nagala soo xiriir: Xafiiska Muqdisho, Email: Interpaj24@gmail.com
.

Readers Comments (0)



wararkii hore

DHAGEYSO:Madaxda Gobolka Banaadir Oo ka hadashay Qaraxyada ka dhaca gobolka Banaadir

September 20, 2017
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la ...

Maxkamad ku taalla Wadanka Holland oo Xukuntay Weriyaha Ruug-Cadaaga Daahir Calasow (AKHRI YAABKA)

September 20, 2017
Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ...

DHAGEYSO:Al-Shabaab Oo Kordhiyey Dilalka qorsheysan Iyo Mas’uuliyiin ay Saaka ku dileen Boondheere.

September 20, 2017
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof ...